Saturday, December 16th, 2017
.

Daawo: Duqa Muqdisho oo sagootiyay Wiilkii uu Caafimaadkiisa kafaala qaaday

Published on November 25, 2017 by   ·   No Comments

 Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa maanta sagootiyay wiil 7 sano jir ah oo qaba wadno xanuun, kaasoo maanta caafimaad loogu qaaday dalka Turkiga, kaddib markii dhowaan Guddoomiyaha uu kafaala qaaday caafimaadkiisa oo dalka gudihiisa wax looga qaban waayay.

Guddoomiye Taabid ayaa wiilkan 7 sano jirka ee lagu magacaabo Maxamed Cumar Maxamed uu u rajjeeyay safar caafimaad oo guul ah, isagoo alle uga baryay inuu caafimaad taam ah uu siiyo.

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa sheegay inay ka warheyn doonaan xaaladiisa caafimaad, marka uu tago dalka Turkiga, isla markaana illaa inta isagoo caafimaad qaba uu dalka dib ugu soo laaban doono ay la socon doono.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA IYO WARBXINTA 

Maalmo ka hor ayay aheyd markii Guddoomiye Taabid uu taageero caafimaad u fidiyay Wiilka yar ee wadnaha ka xanuunsanaya, kaasoo ka soo jeeda qoys danyar ah, waxaana Guddoomiyaha uu guddoonsiiyay wiilka yar Viiso Caafimaad oo dalka Turkiga ah, si loogu soo daweeyo.

.

Nagala Soo Xiriir

xogta247@gmail.com

Readers Comments (0)







WARARKA MAANTA

XAASAASI Dhagayso: Maxay yihiin Siraha haayadaha shisheeye ee uu fashiliyay mahad salaad…?

December 15, 2017
Soomaaliya oo loo qorayo maleeshiyo beeleedyo iyo calooshood-ushaqeysteyaal (mercenaries) shirkado ajnabi ah wataan!   8dii bishaan waxaa qoray in Qaybtii ...

DAAWO MUUQAAL XIISO BADAN: RW Khayre oo Weerar afka ah ku qaaday Madaxwaynihii Hore ee Somalia Xasan sheekh Maxamuud…

December 15, 2017
Ra'iisul wasaaraha DFS Mudane  Xasan cali Khayre Ayaa wuxuu ka Hadlay dowladooda Waxay ugu timi dalka Markii Ay ...

DEG DEG VIDEO;- MUUSE BIIXI OO LAASCAANOOD LAGAGA KACAY, HANJABAAD, CULUS DAAWO

December 15, 2017
Odayaal iyo waxgarad kasoo jeeda Gobolka Sool oo kulan ku yeeshay magaalada Laascaanood ayaa Ka hadlay Dhibaatooyin kala ...

DAAWO: Dowlada Itoobiya oo ka hadashay Saamiga ay ku yeelanayso Dekada Ber-bera…

December 15, 2017
Wasiirka Dowlada Federalka ah ee Itoobiya u qaabilsan dhinaca gaadiidka mudane Axmed Shide ayaa wuxuu ka hadlay saamiga ...

Maxay uga dhigan tahay Dr. Cali Khaliif Xubnaha dagaalka kula Jiray ee Muuse Biixi Wasiirada ka dhigay (Warbixin+ Muuqaal)

December 15, 2017
Madaxwaynihii Khaatumo Dr. Cali Khaliif Galaydh ayaa dhowaan wuxuu heshiis la galay Madaxwaynihi Wakhtigiisu dhamaaday ee Somaliland Axmed ...
-->