Saturday, December 16th, 2017
.

Daawo: RW. Khayre oo Xalay Jeediyey Khudbadii ugu Qiimaha badnayd, Iyo Waxqabadka Lama Filaanka ah (Video)

Published on December 3, 2017 by   ·   No Comments

Magaalada Muqdisho waxaa xalay lagu qabtay Munaasabad loogu magac daray Geediga Dowladnimada iyo Waxqabadka Xukuumada oo uu soo agaasimay Xafiiska wasiirka koowaad ee Xukuumada Soomaliya.

Munaasabada waxaa ka soo qeybgalay Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, Wasiiradiisa, Xildhibaano katirsan labada gole ee Baarlamaanka Somaliya iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada rayidka.

Kheyre oo hadal dheer ka jeediyay madasha ayaa ku dheeraaday ka hadal waxqabadka xukuumada oo haatan jirsatay ku dhawaad 10 Bil iyo waxa uqorsheysan mudooyinka soo socda.

Kheyre ayaa sheegay inuu dalka yimid iyadoon aaney wax lacago ah kujirin Accounka dowladda balse uu rajeynayo inuu xilka isaga tago iyadoo ay lacago badan kujirto qasnada Dowladda, waxa uu sidoo kale ka hadlay dhismaha Golaha adeega garsoorka iyo Maxkamada Dastuuriga ah.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA KHUDBADA RW. KHAYRE 

Waxa uu soo qaatay Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, dadaalada ay ugu jiraan in la ciribtiro musuq maasuqa dalka hareeyay, waxa soo qaatay sidoo kale dagaalka ka dhanka ah AlShabaab isagoo muujiyay yidadiilo ku aadan in laga guuleysto.

“Reysalwasaare Kheyrre, wuxuu sheegay in December 31 marka ay tahay, aysan jiri doonin cid xuquuq ku leh Dowladda. In khasnadda Dowladda ay ku jiri doonto $30 Milyan. Wuxuu sheegay in markuu imaanayay, aysan wax lacag ah ku jirin Khasanadda Dowladda, laakiin, caawa ay ugu jirto shacabka lacag ka badan $70 Milyan. Wuxuu sidoo kale sheegay, in sannadkaan yahay kii ugu horreeyay ee Dowladdu aanay soo qaadan wax deyn ah.

Wuxuu sheegay in Dowladdu markii ugu horreysay sameysay Miisaaniyad ku dhisan Dakhliga Dalka. Waa markii ugu horreysay ee Miisaaniyadda Qaranka lagu daray lacag horumarin adeegga bulshada ah. In mashaariic ay ku baxeeyao $250 Milyan la fulin doono, sannadka soo socda, in la wado qorshihii deynta loo ga dhaafi lahaa Soomaaliya. Waa Xukuumaddi ugu horreysay ee ugu yaraan 30 sharci u gudbisay Baarlamanka, kuna jiraan sharciga Musuqmasuqa iyo kan Isgaarsiinta.

Wuxuu intaa ku daray, in Ciidamada Qaranka ee la dhisi doono, Dowladdu bixin doonto qarashaadka ku baxaya. In Ciidanka Qaranka mushaaraadkooda ay ku qadan doonaan koontadooda, in maalmaha soo socda la soo bandhigi doono tirada rasmiga ah Ciidamada Qaranka, tababarkooda, aqoontooda, tiradooda iyo tababbarrada ay u bahanyihiin. In la qorsheynayo in Xisbiyo la dhiso, in Dastuurka Afti loo qaadi doono iyo in Guddiga Adeegga Garsoorka la dhisi doono, si loo helo Maxkamad Dastuuri ah, loogana hortago isqabqabsiga siyaasadeed ee dalka ka dhaca.”

 

.

Nagala Soo Xiriir

xogta247@gmail.com

Readers Comments (0)







WARARKA MAANTA

XAASAASI Dhagayso: Maxay yihiin Siraha haayadaha shisheeye ee uu fashiliyay mahad salaad…?

December 15, 2017
Soomaaliya oo loo qorayo maleeshiyo beeleedyo iyo calooshood-ushaqeysteyaal (mercenaries) shirkado ajnabi ah wataan!   8dii bishaan waxaa qoray in Qaybtii ...

DAAWO MUUQAAL XIISO BADAN: RW Khayre oo Weerar afka ah ku qaaday Madaxwaynihii Hore ee Somalia Xasan sheekh Maxamuud…

December 15, 2017
Ra'iisul wasaaraha DFS Mudane  Xasan cali Khayre Ayaa wuxuu ka Hadlay dowladooda Waxay ugu timi dalka Markii Ay ...

DEG DEG VIDEO;- MUUSE BIIXI OO LAASCAANOOD LAGAGA KACAY, HANJABAAD, CULUS DAAWO

December 15, 2017
Odayaal iyo waxgarad kasoo jeeda Gobolka Sool oo kulan ku yeeshay magaalada Laascaanood ayaa Ka hadlay Dhibaatooyin kala ...

DAAWO: Dowlada Itoobiya oo ka hadashay Saamiga ay ku yeelanayso Dekada Ber-bera…

December 15, 2017
Wasiirka Dowlada Federalka ah ee Itoobiya u qaabilsan dhinaca gaadiidka mudane Axmed Shide ayaa wuxuu ka hadlay saamiga ...

Maxay uga dhigan tahay Dr. Cali Khaliif Xubnaha dagaalka kula Jiray ee Muuse Biixi Wasiirada ka dhigay (Warbixin+ Muuqaal)

December 15, 2017
Madaxwaynihii Khaatumo Dr. Cali Khaliif Galaydh ayaa dhowaan wuxuu heshiis la galay Madaxwaynihi Wakhtigiisu dhamaaday ee Somaliland Axmed ...
-->