Saturday, December 16th, 2017
.

DAAWO SAWIRADA: Madaxwaynaha Puntland Cabdiwali Gaas oo talaabo muhiim ah qaaday isagoo ku sugan Muqdisho+Sawiro….

Published on December 5, 2017 by   ·   No Comments

Madaxwaynaha dowlad goboleedka Puntland mudane Cabdiwali Cali Gaas oo ay wehelinayeen masuuliyiin kale oo ka tirsan goleyaasha dawlad goboleedka Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada isla maamulka Puntland ayaa waxay la qaateen safiirka Jarmalka ee dalka Somalia, kulanka ayaa waxaa la sheegay in lagaga wada hadlay xidhiidhka Soomaaliya gaar ahaan mamulk goboleedka Puntland iyo dalka Jarmalka  mashaariicaha horumarineed ee dalka Jarmalku ka furliyo Puntland   fursado shaqo abuur oo loosameeyo dhallinyarada Puntland.

tayaynta iyo qalabaynta cisbitaalada waaweyn ee Puntland.
Madaxwaynaha dawladda Puntland ayaa ugu horayn xaqiijiyay in maamulka Puntland ay diyaar u tahay xoojinta xidhiidhka Jarmalka iyo Soomaaliya gaar ahaan Puntland  waxaana uu xusay Madaxwaynuhu in dawladda Puntland iyo dalka Jarmalku leeyihiin wadashaqayn balaadhan oo ku salaysan wax-qabad, siyaasad iyo saaxiibtinimo.

 

Sidoo kale kulanka ayaa waxaa looga hadlay mashaariicaha horumarineed ee dalka Jarmalku ka fuliyo Puntland gaar ahaan mashaariicda dhismaha waddada Garoowe – Gaalkacayo iyo mashruuca xoojinta caafimaadka Puntland ee 2017-2019  kaas oo uu Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey daah-furay 30 August 2017 waxaana laga hirgelindoonaa mashruucaasi gobolada Nugaal iyo Mudug.

 

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland ayaa kala hadlay danjiraha dalka Jarmalka ee Soomaaliya Ambassador Jutta Frasch  tayaynta iyo qalabaynta cisbitaalada waawayn ee Puntland  isagoona tilmaamay Madaxwaynuhu in Puntland ay joogaan dhakhaatiirta Soomaaliya ugu cilmiga badan  haseyeeshee ay tahay caqabadda hortaaqan tayada qalabka ay ku shaqeeyaan  waxaana uu hoosta ka xariiqay Madaxweynuhu in dalka Jarmalka iyo dawlad goboleedka Puntland ay tahay lagama maarmaan inay iska kaashadaan arrintaasi.

.

Nagala Soo Xiriir

xogta247@gmail.com

Readers Comments (0)







WARARKA MAANTA

XAASAASI Dhagayso: Maxay yihiin Siraha haayadaha shisheeye ee uu fashiliyay mahad salaad…?

December 15, 2017
Soomaaliya oo loo qorayo maleeshiyo beeleedyo iyo calooshood-ushaqeysteyaal (mercenaries) shirkado ajnabi ah wataan!   8dii bishaan waxaa qoray in Qaybtii ...

DAAWO MUUQAAL XIISO BADAN: RW Khayre oo Weerar afka ah ku qaaday Madaxwaynihii Hore ee Somalia Xasan sheekh Maxamuud…

December 15, 2017
Ra'iisul wasaaraha DFS Mudane  Xasan cali Khayre Ayaa wuxuu ka Hadlay dowladooda Waxay ugu timi dalka Markii Ay ...

DEG DEG VIDEO;- MUUSE BIIXI OO LAASCAANOOD LAGAGA KACAY, HANJABAAD, CULUS DAAWO

December 15, 2017
Odayaal iyo waxgarad kasoo jeeda Gobolka Sool oo kulan ku yeeshay magaalada Laascaanood ayaa Ka hadlay Dhibaatooyin kala ...

DAAWO: Dowlada Itoobiya oo ka hadashay Saamiga ay ku yeelanayso Dekada Ber-bera…

December 15, 2017
Wasiirka Dowlada Federalka ah ee Itoobiya u qaabilsan dhinaca gaadiidka mudane Axmed Shide ayaa wuxuu ka hadlay saamiga ...

Maxay uga dhigan tahay Dr. Cali Khaliif Xubnaha dagaalka kula Jiray ee Muuse Biixi Wasiirada ka dhigay (Warbixin+ Muuqaal)

December 15, 2017
Madaxwaynihii Khaatumo Dr. Cali Khaliif Galaydh ayaa dhowaan wuxuu heshiis la galay Madaxwaynihi Wakhtigiisu dhamaaday ee Somaliland Axmed ...
-->