Saturday, December 16th, 2017
.

DEG DEG: Sargaal kudhaawacmay qarax kadhacay agagaarka madaxtooyada Puntland ee magaalada+Faah faahin

Published on December 6, 2017 by   ·   No Comments

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug qarax gaari lagu xiray ayaa wuxuu ka dhacay Magaaladaasi.

 

Qaraxan ayaa wararka waxa ay sheegayaan inuu ka dhacay dhabarka dambe ee wadada marta Madaxtooyada Magaalada Gaalkacyo qaybta maamul goboleedka Puntland  iyadoo dhaawac culus uu sidoo kale soo gaadhay Sargaalkii watay gaadhigaasi.

 

Sargaalka qaraxa lala beegsaday ayaa waxaa lagu magacaabaa Cali Magafe  wuxuuna ka tirsan yahay ciidamada Booliska dowlad goboleedka Puntland  wakhtiga la qarxinaayay gaadhigiisa ayuu wuxuu u sii socday goobtiisa shaqada.

 

Goobta qaraxu uu ka dhacay ayaa waxaa gaadhay ciidamo ka tirsan Booliska dowladda Puntland  kuwaasi oo goobta ka qaaday dhaawaca Sargaal Cali Magafe  waxayna geeyeen Isbitaalka Magaalada Gaalkacyo.

Ma jirto wali cid sheegatay in ay ka danbaysay qaraxa balse qaraxyada dalka Somalia ka dhaca ayaa intooda badan waxaa sheegta ururka Al-shabaab iyo Kooxda Daacish oo ku sugan qaybo kamid ah dalka Somalia

.

Nagala Soo Xiriir

xogta247@gmail.com

Readers Comments (0)







WARARKA MAANTA

XAASAASI Dhagayso: Maxay yihiin Siraha haayadaha shisheeye ee uu fashiliyay mahad salaad…?

December 15, 2017
Soomaaliya oo loo qorayo maleeshiyo beeleedyo iyo calooshood-ushaqeysteyaal (mercenaries) shirkado ajnabi ah wataan!   8dii bishaan waxaa qoray in Qaybtii ...

DAAWO MUUQAAL XIISO BADAN: RW Khayre oo Weerar afka ah ku qaaday Madaxwaynihii Hore ee Somalia Xasan sheekh Maxamuud…

December 15, 2017
Ra'iisul wasaaraha DFS Mudane  Xasan cali Khayre Ayaa wuxuu ka Hadlay dowladooda Waxay ugu timi dalka Markii Ay ...

DEG DEG VIDEO;- MUUSE BIIXI OO LAASCAANOOD LAGAGA KACAY, HANJABAAD, CULUS DAAWO

December 15, 2017
Odayaal iyo waxgarad kasoo jeeda Gobolka Sool oo kulan ku yeeshay magaalada Laascaanood ayaa Ka hadlay Dhibaatooyin kala ...

DAAWO: Dowlada Itoobiya oo ka hadashay Saamiga ay ku yeelanayso Dekada Ber-bera…

December 15, 2017
Wasiirka Dowlada Federalka ah ee Itoobiya u qaabilsan dhinaca gaadiidka mudane Axmed Shide ayaa wuxuu ka hadlay saamiga ...

Maxay uga dhigan tahay Dr. Cali Khaliif Xubnaha dagaalka kula Jiray ee Muuse Biixi Wasiirada ka dhigay (Warbixin+ Muuqaal)

December 15, 2017
Madaxwaynihii Khaatumo Dr. Cali Khaliif Galaydh ayaa dhowaan wuxuu heshiis la galay Madaxwaynihi Wakhtigiisu dhamaaday ee Somaliland Axmed ...
-->