Sunday, November 19th, 2017
.

DHAGEYSO WAREYSI MURUGO LEH: Nin Naag Uu Furay Oo Uur Lahayd Mindi Ku Dilay Gobolka…

Published on January 10, 2017 by   ·   No Comments

Waxaa Deegaanka lagu magacaabo Garas Bintoow Ee Gobolka Shabellaha Dhexe Xalay Sagaalkii Saac ka dhacday Arin dadku ka argagaxeen markii ay saaka maqleen.

Nin dhalinyaro ah ayaa Haweeneey uu furay Labo Cunugna hore ugu dhashay waxa uu Tooreey ku dilay Xalay iyadoo Gurigeeda kusugneyd islamarkaana isaga uu mindi isla dhacay balse dhaawac Halis ah uu noqday.

Haweeneydaasi oo ninkaasi markii uu furay nin kale guursatay ayaa Xaamilo aheyd oo ninka hadda qabay ay cunug caloosha ugu siday taasi oo dadkuna la yaabeen waxa sababay dilkaasi.

Asli Qaasim ayaa waxa meydkeeda lagu Aasay isla Garas Bintoow iyadoo dhaawaca Ninkii dilay hadda la daweenayo hase ahaatee uu dalbaday in la dhameystiro dunidana ay wax faa’ido ah ulaheyn.

Waxa lagu tilmaamay Falkaasi inuu salka ku hayo Maseer iyadoo Nin Maseeray wax ka xun aysan jirin sida la sheegayo.

Halkan riix oo Dhagayso codka

Madaxwayne C/wali Gaas Oo Ku Sugan Qandala Go’aan culus uga dhawaqay..(ogow go’aanka)

 

madaxweynaha puntland Ayaa Ku Sugan Dagmada Qandala Ee gobolka Bari Halkaasi Oo Dhawaan Ciidamada Puntland Ka Qabsadeen Kooxda Daacish Tageero Ka Haystay.

Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas Waxaa Uu ka Hadlay Socdaalkiisa Degmada Qandala Oo Uu Sheegay inay Tahay U Kuur Galida Xaalada Degmada.

Waxaana Uu Socdaal Ku Maray Guud Ahaan Degmada Qandala Amaankeeda Wakhtigani oo uu sheegay inay tahay mid laysku Halayn Karayo.“

Madaxweyne Gaas Ayaa Ku Dhawaaqay Inay Xarunta Ciidamada Bada puntland Noqon Doonto Dadkaasina Aysan ka Walwali Karayn Amaankooda Iyo Inay Kooxda kusoo noqoto Halkaasi.

Madaxweynaha Ayaa Mid Mid Ula Kulmay Saraakiisha Ayaanka Qandala Oo Dhawaan Ka Qabsaday Kooxda uuna Balan Qaaday Abaal Marin In Lasiinayo.

Halkan Riix Ka Dhagayso

TOP NEWS: Kala Jeedashada Xildhibaanada oo Muqdisho ka socoto+Xidig oo qarka u saaran guul..

Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya ayaa waxaa laga dareemayaa Diyaargaroow Balaaran oo ku aadan Doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Maalinta Bari oo Ku Beegan Arbaco 11-1-2017 Ayaa lagu wadaa in Xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho ay ka dhacdo Doorashda Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya iyo ku Xigeenadiisa.

ilaa iyo iminka Waxaa Doorashadaasi ugu Cad Cad Labo Musharax oo loo Badinayo in uu Mid kamid ah Noqdo Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Labadaasi Musharax ayaa waxa ay Kala yihiin Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sh.Cismaan Jawaari iyo Cabdi Rashiid Maxamed Xidig Wasiiru Dowlaha Xukuumadii Waqtigeeda uu Dhamaaday ee Soomaaliya.

Muqdisho Waxaa ka socoto kala Jeedashada Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya uu Musharax kastaa uu Kulamo Gaar ah La Qaadanayo.

Dad Badan Ayaa saadaalinaya in Jawaari Laga Yaabo in uu markale Soo laabto Halka Kuwo Kalena ay u Saadaalinayaan Xidig iyadoo uu xidig muujiyay bsidoo kale kalsoonida uu ku qabo in uu qabto jagada gudoomiyaha baarlamaanka ee dowlada dhexe ee Soomaaliya

Maxaa sababay cabsida laga qabo banaanabaxyada Waawayn oo maanta Garoowe is qabsan Doono

Magaalada Garoowe Ee Caasimada Puntland ayaa manata waxaa ka dhcayo Dibad baxyo Balaaran kuwaasi oo looga soo Horjeedo Sicir Bararka.

Qiimaha Dollarka Ayaa sare u kac balaaran laga dareemaa waxaana Hoos u dhac baahsan ku jiro Lacagta Shilinka Soomaliga,

Dibad Baxaan ayaa waxaa Soo abaabulay Ganacsanatada Magaalada Garoowe iyo Qeeybaha kala duwan ee Bulshada Ku Dhaqan magaalada Garoowe.

Arintaan ayaa Saameeyn Xoogan waxa ay ku Yeelatay  Bulshada ku Dhaqan Deegaanada Puntland kuwaasi oo Qaati ka taagan Qimo Sare oo Dollarka ah iyo qiimo Dhaca Shilin Soomaaliga.

XOGTASHACABKA24.COM WAXAY IDIIN SOO GUDBINI DOONTAA ARRIMAHA RASMIGA AH EE LA XIDHIIDHA ARINTAN INSHA ALLAH ISHA KU HAY..

Cabdikariin Guuleed oo Dag Dag uga hadlay go’aankii Xilka qaadistiisa

 

Daqiiqado Kadib Markii qaarkamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug kulan ay ku yeesha Cadaado Kalsoonidii laga laabatay Madaxwayanha Maamulkaas Cabdikariin Guuleed, ayaa waxaa durba ka hadlay talaabadaasi Madaxweynaha Xilka laga qaaday.

Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa waxaa uu sheegay isagoo ka hadlayay Kulankii Maanta ee Xildhibaanada Galmudug Xilka Uga qaadeen in uusanAqabali doonin Go’aanka Xildhibaanada Galmudug islamarkaana uusan aqoonsaneen,

“kulankastaa oo ay yeshaan Xildhibaanada Carqalada iyo Xiisada siyaasadeed Cadaado kawada iyo go’aan kastaa oo ay gaaraan ma ahan mid aan aqoonsan doono oo waan ka soo horjeedaa ayuu yiri Mr Guuleed”.

Mudooyinka waxaa jira Xiisad Siyaasadeed oo kacsan oo u dhaxeysan Madaxda Maamulka Galmudug iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Glamudg kuwaas oo ka soo horjeeda Hogaanka Maamulkaasi.

> .

Nagala Soo Xiriir

xogta247@gmail.com

Readers Comments (0)







WARARKA MAANTA

DEG DEG + Muuqaal;- Cabdiraxmaan Cirro Oo Ku Hanjabay In aan Lashaacin Karin Natiijo Inta Tabashada La Dhameynaayo’ Waraysi

November 19, 2017
Musharaxa madaxweyne ee maamul Beeleedka Somaliland Cabdiraxmaan Cirro oo BBC Siiyay maanta waraysi ayaa ka hadlay Doorashada maamulka ...

DEG DEG+ VIDEO;- Mudaharaad Ruxay Magalada Laascaanood, Abwaan Jaamac Kadiye oo Ka Gabyey (MUUQAAL)

November 19, 2017
Shacabka ku dhaqan magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa siwayn uga Horyimid Qorshe Shirkadaha Laydhka ee Gurmad ...

Gudomiye ku xigeenka xisbiga kulmiye ee Somaliland maxamed kahin aya tacsi udiray dadkii ku waxyeeloobay Rabshadihii…

November 19, 2017
Gudomiye ku xigeenka xisbiga kulmiye ee Somaliland maxamed kahin aya tacsi udiray dadkii ku waxyeeloobay Rabshadaha. Gudoomiye ku xigeenka ...

DAG DAG: dibad bax lagaga soo horjeedo Dp World oo ka dhacay Boosaaso+Daawo Muuqaalka

November 19, 2017
DAG DAG: dibad bax lagaga soo horjeedo Dp World oo ka dhacay Boosaaso Waxaa magaalada Boosaaso ayaa waxaa ka ...

Raga ku ciyaaraha gabdhaha oo dhulka lagu jiiday daawo

November 19, 2017
waxa dhulka lagu jiiday ragga ku ciyaara dumarka WIXI FAAHFAAHIN AH HALKAN KA DAAWO MUQAALKA OO DHAMEYSTIRAN,

Qiso cajiib ah abahay markii u soo doontay hooyaday waxa uu xifdiyey suuratu al cimraan

November 19, 2017
hoyaday marki ay guursanaysay aabahay waxay ku xujeesay in uu baro suuratu al-cimraan waxana looga dhigay meherkeeda anigana ...

DEG DEG Video;- Puntland Somaliland oo Soomaalianad Karbaashtay,Goobo ay ka Qabsatay (Muuqaal)

November 19, 2017
Halkan hoose kadaawo muuqaalka iyo faah fiinta xiisada ka dhex curatay labadaas maamul iyo shacabaka  dareen ceeliy HALKAN KADAWO ...

DEG DEG VIDEO;-Toogasho Kadhacay Badhtamaha Hargeisa iyo Maamulka oo Hadlay

November 19, 2017
Laba wiil oo dhallinyaro ah oo reer Hargeysa ah ayaa ka dib markii ay isku qabteen xiisadaha siyaasadeed ...

DAG DAG DHAGAYSO: MD Siilaanyo oo Fariin Cajiib ah u diray Xisbiyada WADANI & KULMIYE Ugana digay iney Natiijada hordhacaan

November 19, 2017
Madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa ka hadlay Cabashooyinka iyo sidoo kale isku dhacyadii ugu dambeeyay ...

MD Waare oo loogu cagajugleeyay xilka qaadis+Sababta

November 19, 2017
Xildhibaan Maxamed Bashiir Qaasim Daqarre  oo ka tirsan Golaha Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle ayaa ka warbixiyay kulan ay la ...