Saturday, February 17th, 2018
.

Diyaarad Rakaab siday oo ku bur burtay Ruuska & rakaabkii saarnaa oo ku dhamaaday….

Published on February 11, 2018 by   ·   No Comments

Diyaarad rakaab ah oo ay saarnaayeen 71 qof ayaa burburtay waxyar un kaddib markii ay ka kacday garoonka Domodedovo ee magaalada Moscow.

Sida ay ku waramay Wakaalada Wararka Ruushka,dhamaan rakaabka saarnaa diyaarada ay laga cabsi qabaa iney geeriyoodeen,maadama bur burka diyaarada ku yimid uu ahaa mid xoogan.

Burka burka diyaarada ayaa ka dhacay meel ku dhow magaalada Ramenskoe oo ku dhawaad 40km u jirta Garoonka diyaaradaha ee magaalada Moscow,waxaana diyaarada lahayd shirkadda diyaaradaha ee Saratov.

Diyaaradan oo noocedu yahay Antonov-148 ayaa u safraysay magaalada Orsk ee xadka Ruushka u la wadaago dalka Kazakhstan,waxayna ka soo ambabaxday magaalada Moscow.

Wasiirka Gaadiidka Ruuska Maksim Sokolov iyo kooxo gurmad ah ayaa lagu wadaa iney gaaraan goobta uu bur burka diyaaradeed uu ka dhacay.

Wasiirka Gaadiidka Ruuska Maksim Sokolov iyo kooxo gurmad ah ayaa lagu wadaa iney gaaraan goobta uu bur burka diyaaradeed uu ka dhacay.

Durba ma cadda waxa sababay bur burka diyaarada,Wasaaradda Gaadiidka Ruuska ayaa Arrimo badan u aaneyneysa bur burka diyaarada oo ay ku jiraan xaaladda Gawada iyo cilado ka jira dhanka duuliyaha.

.

Nagala Soo Xiriir

xogta247@gmail.com

Readers Comments (0)







WARARKA MAANTA

MUUQAAL: Qaar kamid ah Soomaali ku xidhaynayd Dalka Liibiya oo Muqdisho Dawladdu keentay oo Farxad la Ooyey

February 17, 2018
Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho Waxaa maanta kasoo degey Dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku xidhnaa dalka Liibiya,  Kuwaasi oo Dalwadda ...

LAASCAANOOD: Dhacdo Naxadin iyo Murugo Badan oo ku dhacday Wiil Soo Qabsaday Xayawaanka Diinka (Video)

February 17, 2018
Wiil dhalinyaro ah oo ku noolaa magaalada Laascaanood ayaa soo Qabsaday   Xayawaanka Diinka , Kadib markii uu ku ...

Madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar oo jig-jiga ka dagay…

February 17, 2018
Madaxwaynaha Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya (DDSI) mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo waftigii uu hogaaminayay ayaa waxay dib ugusoo ...

XOG: Safaarada Turkiga ee Somalia oo Qorshe lama filaan ah ka wada Muqdisho…

February 17, 2018
Sida aan xogta ku helnay Safaarada Turkiga ee Somalia ayaa wada qorsho ay ku howlgalineyso qaar kamid ah ciidamadii ay dhawaan ...

DHAGAYSO: Qataro Lama filaan ah oo laga soo sheegayo Howlgalada ka dhaca Shabeelaha hoose….

February 17, 2018
DHAGAYSO: Qataro Lama filaan ah oo laga soo sheegayo Howlgalada ka dhaca Shabeelaha hoose…. Xilli Muddooyinkii ugu dambeeyay ciidamada ...

WAR DAG DAG AH: Dad Maxaabiis ah oo laga soo dajiyay Magaalada Muqdisho…

February 17, 2018
Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho ayaa goor dhow laga soo dajiyay Maxaabiis Somaliyeed oo dowladda Somaliya ay ku guulaysatay ...