Saturday, February 17th, 2018
.

Madaxwayne Muuse biixi  oo Go’aan lama filaan ah ka qaatay Wasiir Xil kasoo qabtay Dowlada Somaliya….

Published on February 13, 2018 by   ·   No Comments

Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa cafis u fidiyay Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Oomaar, kaasoo shalay dib ugu laabtay magaalada Hargaysa.

Maxamed Cabdullaahi Oomaar oo ka soo jeeda Somaliland ayaa labo jeer soo noqday Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Ra’iisul Wasaare kuxigeen dowladdii KMG ahayd ee uu hoggaaminayay Sheekh Shariif.

Qaar ka mid ah wargaysyada ka soo baxa Hargaysa ayaa saaka qoray in Oomaar uu ka tanaasulay fikirkii uu hora u aaminsanaa, isla markaana uu garawsaday qadiyada gooni isu taagga ee Somaliland.

Waxaa lagu wadaa inuu la hadlo warbaahinta oo uu ka sheego mowqifkiisa iyo dib ugu soo laabashadiisa Hargeysa.

Siyaasiyiinta ka soo jeeda Somaliland ee xilalka ka qabta dowladda Somaliya ayaa ka mamnuuca inay tagaan deegaanada Somaliland  iyagoo aan ka tanaasulin fikirkooda.

Madaxwaynihii hore ee Somaliland Axmed Siilaanyo ayaa cafis u fidiyay siyaasiyiin dhowr ah sida Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Somaliland Ismaaciil Hurre Buubaa, Cabdi Ismaaciil Samatar oo ka mid ahaa Musharaxiinta Madawaynaha ee isku soo sharaxay doorashadii sanadkii 2012.

 

.

Nagala Soo Xiriir

xogta247@gmail.com

Readers Comments (0)







WARARKA MAANTA

MUUQAAL: Qaar kamid ah Soomaali ku xidhaynayd Dalka Liibiya oo Muqdisho Dawladdu keentay oo Farxad la Ooyey

February 17, 2018
Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho Waxaa maanta kasoo degey Dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku xidhnaa dalka Liibiya,  Kuwaasi oo Dalwadda ...

LAASCAANOOD: Dhacdo Naxadin iyo Murugo Badan oo ku dhacday Wiil Soo Qabsaday Xayawaanka Diinka (Video)

February 17, 2018
Wiil dhalinyaro ah oo ku noolaa magaalada Laascaanood ayaa soo Qabsaday   Xayawaanka Diinka , Kadib markii uu ku ...

Madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar oo jig-jiga ka dagay…

February 17, 2018
Madaxwaynaha Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya (DDSI) mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo waftigii uu hogaaminayay ayaa waxay dib ugusoo ...

XOG: Safaarada Turkiga ee Somalia oo Qorshe lama filaan ah ka wada Muqdisho…

February 17, 2018
Sida aan xogta ku helnay Safaarada Turkiga ee Somalia ayaa wada qorsho ay ku howlgalineyso qaar kamid ah ciidamadii ay dhawaan ...

DHAGAYSO: Qataro Lama filaan ah oo laga soo sheegayo Howlgalada ka dhaca Shabeelaha hoose….

February 17, 2018
DHAGAYSO: Qataro Lama filaan ah oo laga soo sheegayo Howlgalada ka dhaca Shabeelaha hoose…. Xilli Muddooyinkii ugu dambeeyay ciidamada ...

WAR DAG DAG AH: Dad Maxaabiis ah oo laga soo dajiyay Magaalada Muqdisho…

February 17, 2018
Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho ayaa goor dhow laga soo dajiyay Maxaabiis Somaliyeed oo dowladda Somaliya ay ku guulaysatay ...