Saturday, December 16th, 2017
.

Madaxwayne Trump maxamuud Cabaas muxuu ugu yeedhay iyo arrimo xaasaasi ah oo soo baxaya…

Published on December 5, 2017 by   ·   No Comments

Madaxwayne Trump maxamuud Cabaas muxuu ugu yeedhay iyo arrimo xaasaasi ah oo soo baxaya…

Sida ay sheegeen masuuliyiita Falastiiniyiintu Madaxwaynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa waxaa la sheegay in u jeedada uu ugu yeedhay hogaamiyaha Falastiiniyiintu ay tahay in uu ku wargaliyo rabitaankiisa la xidhiidha in safaarada Dalka Maraykanka ee Israel loo rari doono Jurisalam taasi oo la sheegay in ay madaxda falastiiniyiintu ka digeen in ay tahay talaabo hanaanka nabad galyada halis ku ah iyo nabada laf ahaanteedaba.

Waxaa sidoo kale warkan sheegtay wakaadalada wararka ee Wafa oo ay leeyihiin maamulka falastiiniyiintu waxayna wakaaladani sheegtay in Abbas loogu yeedhay sidii loogu wargalin lahaa arrinta raritaanka Safaarada Maraykanka.

Falastiiniyiinta ayaa waxay ka digayeen talaabada noocan oo kale ah in ay halis galin karto wadahadalada nabada ee arrimaha Falastiiniyiinta iyo Isreal.

Xoghaya guriga cad ee maraykanka Sarah Saunders  oo la hadashay warbaahinta ayaa waxay sheegtay in uu wali ku jiro wada tashi arbacadana uu soo bandhigi doono waxa uu isleeyahay way ugu wanaagsantahay gaar ahaan ay ku jirto danta dalka Maraykanku balse maysan sheegin in sababta loogu yeedhay Maxamuud cabaas ay tahay sidii loo wargalin lahaa rarista safaarada Maraykanka ee Tel Aviv ee loo rarayo Jurisalam.

Waxaa sidoo kale talaadadii soo saartay war saxaafadeed boqortooyada Jordan oo sheegtay in uu madaxwayne Trump ugu yeedhay si uu u wargaliyo mowqifkiisa la xidhiidha arrintan.

Falastiiniyiinta ayaa waxay u arkaan in jurisalam ay tahay caasimada mustaqbalka Ee dalka Falastiin iyagoo sidoo kale sheegay in safaarada maraykanka hadii loo soo raro jurisalam ay sidoo kale maraykanka dhex dhexaad nimadiisa la xidhiidha arrimaha falastiiniyiinta iyo Israel ee dhex dhexaadiya daacad ah badali karto talaabadani.

Dhinaca kale Israel ayaa waxay u aragtaa in Jurisalam ay tahay caasimada Israel kadib dagaalkii ay la galeen dalalka Suuriya, Masar iyo Jordan sanadkii  oo ay halkaasi qabsadeen 1967.

Ilaa iyo haatan ma jiro dal ka samaystay safaarad jurisalam iyadoo ayna bulshada caalamku u aqoonin in Jurisalam ay leedahay Israel.

Dalalka midowga carabta ayaa waxay xubnaha ka tirsan midowga carabta ugu baaqeen kulan deg deg ah oo la xidhiidha arrinta soo wareejinta safaarada Maraykanka ee uu sheegay dalka maraykanku.

Xoghayaha midowga Carabta General Hussam Zaki ayaa wuxuu sheegay in la qaban doono shir midowga carabta ah oo ay codsadeen falastiniyiintu si looga wada arrinsado xaalada Jurisalam.

Xigasho: Aljazeera English Translated by Abdi

.

Nagala Soo Xiriir

xogta247@gmail.com

Readers Comments (0)







WARARKA MAANTA

XAASAASI Dhagayso: Maxay yihiin Siraha haayadaha shisheeye ee uu fashiliyay mahad salaad…?

December 15, 2017
Soomaaliya oo loo qorayo maleeshiyo beeleedyo iyo calooshood-ushaqeysteyaal (mercenaries) shirkado ajnabi ah wataan!   8dii bishaan waxaa qoray in Qaybtii ...

DAAWO MUUQAAL XIISO BADAN: RW Khayre oo Weerar afka ah ku qaaday Madaxwaynihii Hore ee Somalia Xasan sheekh Maxamuud…

December 15, 2017
Ra'iisul wasaaraha DFS Mudane  Xasan cali Khayre Ayaa wuxuu ka Hadlay dowladooda Waxay ugu timi dalka Markii Ay ...

DEG DEG VIDEO;- MUUSE BIIXI OO LAASCAANOOD LAGAGA KACAY, HANJABAAD, CULUS DAAWO

December 15, 2017
Odayaal iyo waxgarad kasoo jeeda Gobolka Sool oo kulan ku yeeshay magaalada Laascaanood ayaa Ka hadlay Dhibaatooyin kala ...

DAAWO: Dowlada Itoobiya oo ka hadashay Saamiga ay ku yeelanayso Dekada Ber-bera…

December 15, 2017
Wasiirka Dowlada Federalka ah ee Itoobiya u qaabilsan dhinaca gaadiidka mudane Axmed Shide ayaa wuxuu ka hadlay saamiga ...

Maxay uga dhigan tahay Dr. Cali Khaliif Xubnaha dagaalka kula Jiray ee Muuse Biixi Wasiirada ka dhigay (Warbixin+ Muuqaal)

December 15, 2017
Madaxwaynihii Khaatumo Dr. Cali Khaliif Galaydh ayaa dhowaan wuxuu heshiis la galay Madaxwaynihi Wakhtigiisu dhamaaday ee Somaliland Axmed ...
-->