Saturday, December 16th, 2017
.

Muqtaar Roobow“Aniga isma Soo dhiibin ee Waxaan Kula joogaa Dowladda,Wada hadal,, Kulankii

Published on December 4, 2017 by   ·   No Comments

Hoggaamiye ku xigeenkii hore ee ururka Al-shabaab Sheekh Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur ayaa sheegay in uusan dowlada federalka isku soo dhiiibin balse uu yimid kadib markii ay wadahadal yeesheen.

Muqtaar Roobow oo maanta kula kulmay magaalada Baydhabo qaar kamid ah weriyaasha magaalada Baydhabo ka howlgasha  ayaa ka codsaday inaysan ugu yeerin Sheekh Muqtaar Roobow oo isu soo dhiibay dowlada federalka.

“Aniga dagaal ayaan la galay Alshababa kadib markii ay isku dayeen inay i dilaan,balse isku soo dhiibin dowlada Soomaaliyee ee wadahadal aan la galay dowlada heshiis ayaan ku imid Xudur kadibna waxaan tegey Muqdisho.”ayuu yiri Muqtaar Roobow oo ay ka muuqatay kalsooni maanta markii uu la kulmay weriyaasha.

Hase yeeshee Muqtaar Roobow ayaa weriyaasha u sheegay inuusan maanta diyaar u ahayn in ay cod ama sawiro ka qaadaan balse uu ugu yeeray oo kaliya inay isbartaan.

“Meel fagaare ah ayaan bulshada kula hadli doonaa maalmaha soo socda markaasna waxaan balbalaarin doonaa qorshahayga.”ayuu yiri Muqtaar Roobow.

Sheekh Muqtaar Roobow ayaa wadooyinka magaalada Baydhabo lagu arkayay maalmihii la soo dhaafay isagoo  dhex lugeynaya isla markaana dadka la sheekeysanaya.

Guddoomiye ku xigeenkii afhayeenkii hore ee Alshabaab Muqtaar Roobow ayaa maalmihii la soo dhaafay waxa uu ku sugnaa magaalada Baydhabo isagoo hore u soo maray magaalada Xudur halkaa oo ahayd halka oo uu tuulooyin ku dhow dhow muddo sanado ah ku noolaa.

 

.

Nagala Soo Xiriir

xogta247@gmail.com

Readers Comments (0)







WARARKA MAANTA

XAASAASI Dhagayso: Maxay yihiin Siraha haayadaha shisheeye ee uu fashiliyay mahad salaad…?

December 15, 2017
Soomaaliya oo loo qorayo maleeshiyo beeleedyo iyo calooshood-ushaqeysteyaal (mercenaries) shirkado ajnabi ah wataan!   8dii bishaan waxaa qoray in Qaybtii ...

DAAWO MUUQAAL XIISO BADAN: RW Khayre oo Weerar afka ah ku qaaday Madaxwaynihii Hore ee Somalia Xasan sheekh Maxamuud…

December 15, 2017
Ra'iisul wasaaraha DFS Mudane  Xasan cali Khayre Ayaa wuxuu ka Hadlay dowladooda Waxay ugu timi dalka Markii Ay ...

DEG DEG VIDEO;- MUUSE BIIXI OO LAASCAANOOD LAGAGA KACAY, HANJABAAD, CULUS DAAWO

December 15, 2017
Odayaal iyo waxgarad kasoo jeeda Gobolka Sool oo kulan ku yeeshay magaalada Laascaanood ayaa Ka hadlay Dhibaatooyin kala ...

DAAWO: Dowlada Itoobiya oo ka hadashay Saamiga ay ku yeelanayso Dekada Ber-bera…

December 15, 2017
Wasiirka Dowlada Federalka ah ee Itoobiya u qaabilsan dhinaca gaadiidka mudane Axmed Shide ayaa wuxuu ka hadlay saamiga ...

Maxay uga dhigan tahay Dr. Cali Khaliif Xubnaha dagaalka kula Jiray ee Muuse Biixi Wasiirada ka dhigay (Warbixin+ Muuqaal)

December 15, 2017
Madaxwaynihii Khaatumo Dr. Cali Khaliif Galaydh ayaa dhowaan wuxuu heshiis la galay Madaxwaynihi Wakhtigiisu dhamaaday ee Somaliland Axmed ...
-->