Saturday, December 16th, 2017
.

MUUQAAL: Dagaal Xooggan oo Ka Soconaya Magaalada Sanca ee Caasimadda Dalka Yamen

Published on December 4, 2017 by   ·   No Comments

dagaal culus oo u dhaxeeya Taageerayaasha Madaxweynihii hore Yemen Cali Cabdalla Saalax iyo Maleeshiyada Shiicada Xuutiyiinta ayaa ka socda magaalada Sanca, iyadoo dagaalka uu ku fiday qeybo hor leh.

Dagaalka ka socda Sanca ayaa ka dambeeyay, kaddib markii Madaxweynihii hore ee Yemen Cali Cabdalla Saalax uu ku baaqay wada hadalo uu la galayo Isbaheysiga uu hoggaaminayo Sacuudiga.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Maleeshiyada Xuutiyiinta oo horay xulufo ula ahaa Cali Cabdalla Saalax ayaa weeraray mas’uuliyiin ka mid ahaa Kooxda taageersan Cali Cabdalla Saalax.

Hubka noocyadiisa kala duwan ayaa laga maqlayay qeybo ka mid ah magaalada Sanca, waxaana la soo warinayaa in dad ka badan 10 ruux ay ku dhinteen dagaalka, halka tiro kale ku dhaawacmeen.

Jabhadda Xuutiyiinta ayaa sheegay inay taageerayaasha Cali cabdalla Saalax ka saarayaan magaalada Sanca iyo meelaha ay kaga sugan yihiin.

Sarkaal u hadlay Xuutiyiinta ayaa sheegay in hadalka ka soo yeeray Cali Cabdalla Saalax uu daboolka ka qaadayo shakigii ay markii hore ka qabeen ee ahaa inuu la safan yahay Isbaheysiga Sacuudiga

Isbaheysiga Sacuudiga ayaa kor kala socda xaalada magaalada Sanca iyo qeybo ka mid ah dalka, iyagoo u arka fursad inay isku dhacaan dhinacyada awooda ku lahaa magaalada Sanca iyo qeybo ka mid ah Koofurta Yemen.

 

.

Nagala Soo Xiriir

xogta247@gmail.com

Readers Comments (0)







WARARKA MAANTA

XAASAASI Dhagayso: Maxay yihiin Siraha haayadaha shisheeye ee uu fashiliyay mahad salaad…?

December 15, 2017
Soomaaliya oo loo qorayo maleeshiyo beeleedyo iyo calooshood-ushaqeysteyaal (mercenaries) shirkado ajnabi ah wataan!   8dii bishaan waxaa qoray in Qaybtii ...

DAAWO MUUQAAL XIISO BADAN: RW Khayre oo Weerar afka ah ku qaaday Madaxwaynihii Hore ee Somalia Xasan sheekh Maxamuud…

December 15, 2017
Ra'iisul wasaaraha DFS Mudane  Xasan cali Khayre Ayaa wuxuu ka Hadlay dowladooda Waxay ugu timi dalka Markii Ay ...

DEG DEG VIDEO;- MUUSE BIIXI OO LAASCAANOOD LAGAGA KACAY, HANJABAAD, CULUS DAAWO

December 15, 2017
Odayaal iyo waxgarad kasoo jeeda Gobolka Sool oo kulan ku yeeshay magaalada Laascaanood ayaa Ka hadlay Dhibaatooyin kala ...

DAAWO: Dowlada Itoobiya oo ka hadashay Saamiga ay ku yeelanayso Dekada Ber-bera…

December 15, 2017
Wasiirka Dowlada Federalka ah ee Itoobiya u qaabilsan dhinaca gaadiidka mudane Axmed Shide ayaa wuxuu ka hadlay saamiga ...

Maxay uga dhigan tahay Dr. Cali Khaliif Xubnaha dagaalka kula Jiray ee Muuse Biixi Wasiirada ka dhigay (Warbixin+ Muuqaal)

December 15, 2017
Madaxwaynihii Khaatumo Dr. Cali Khaliif Galaydh ayaa dhowaan wuxuu heshiis la galay Madaxwaynihi Wakhtigiisu dhamaaday ee Somaliland Axmed ...
-->