Saturday, December 16th, 2017
.

MUUQAAL: Galmudug iyo Ahlusuna oo Maanta Ku Shiraya Dalka Jabuuti,Maxaa laga filan karaa wada hadalka? (Video)

Published on November 27, 2017 by   ·   No Comments

Wada hadalka Maamulka Galmudug iyo AhluSunna ayaa lagu wadaa in wajiga Labaad maanta uu si rasmi ah kaga furmo Magaalada Jabuuti, waxaana garwadeen ka ah Urur Goboledka IGAD.

Magaalada Jabuuti waxaa ku sugan Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf, Ku xigeenkiisa Maxamed Xaashi Carabey iyo hoggaamiyaha AhluSunna Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Inkastoo is aragii koowaad ee Labada dhinac uu ka dhacay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ayaa haddana qaybtii Labaad ee shirkan oo rajadiisa ay tahay mid wanaagsan waxa uu ka dhacayaa maanta dalka Jabuuti.

Wasiirkii hore ee Dastuurka Maamulka Galmudug, Cismaan Maxamed Socdaal oo la hadlay warbaahinta ayaa ka hadlay rejada laga qabo waxa ka soo bixi kara shirkaan maanta isku soo hor fariisan doonaan hoggaamiyeyaasha Galmudug iyo Ahlu Sunna.

Wuxuu sheegay rajo wanaagsan inay ka muuqato shirkaasi, isaga oo tilmaamay in labada dhinac laga rabo inay muujiyaan tanaasul ku aadan hanaanka wada hadalka iyo qodobada shirka qaarkood.

Dadka ka soo jeeda Gobolada Dhexe ee Soomaaliya ayaa rajo wanaagsan waxa ay ka muujinayaan in shirkaasi ay ka soo baxaan waxyaabo mira dhal ah oo ku aadan wada hadalka labada dhinac.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaalle ayaa dadaal badan ku bixinaya sidii uu ula heshiin lahaa Maamulka Ahlu Sunna ee Gobolada Dhexe ee dalka ku sugan.

 

.

Nagala Soo Xiriir

xogta247@gmail.com

Readers Comments (0)







WARARKA MAANTA

XAASAASI Dhagayso: Maxay yihiin Siraha haayadaha shisheeye ee uu fashiliyay mahad salaad…?

December 15, 2017
Soomaaliya oo loo qorayo maleeshiyo beeleedyo iyo calooshood-ushaqeysteyaal (mercenaries) shirkado ajnabi ah wataan!   8dii bishaan waxaa qoray in Qaybtii ...

DAAWO MUUQAAL XIISO BADAN: RW Khayre oo Weerar afka ah ku qaaday Madaxwaynihii Hore ee Somalia Xasan sheekh Maxamuud…

December 15, 2017
Ra'iisul wasaaraha DFS MudaneĀ  Xasan cali Khayre Ayaa wuxuu ka Hadlay dowladooda Waxay ugu timi dalka Markii Ay ...

DEG DEG VIDEO;- MUUSE BIIXI OO LAASCAANOOD LAGAGA KACAY, HANJABAAD, CULUS DAAWO

December 15, 2017
Odayaal iyo waxgarad kasoo jeeda Gobolka Sool oo kulan ku yeeshay magaalada Laascaanood ayaa Ka hadlay Dhibaatooyin kala ...

DAAWO: Dowlada Itoobiya oo ka hadashay Saamiga ay ku yeelanayso Dekada Ber-bera…

December 15, 2017
Wasiirka Dowlada Federalka ah ee Itoobiya u qaabilsan dhinaca gaadiidka mudane Axmed Shide ayaa wuxuu ka hadlay saamiga ...

Maxay uga dhigan tahay Dr. Cali Khaliif Xubnaha dagaalka kula Jiray ee Muuse Biixi Wasiirada ka dhigay (Warbixin+ Muuqaal)

December 15, 2017
Madaxwaynihii Khaatumo Dr. Cali Khaliif Galaydh ayaa dhowaan wuxuu heshiis la galay Madaxwaynihi Wakhtigiisu dhamaaday ee Somaliland Axmed ...
-->