Saturday, December 16th, 2017
.

Sanad guurada sadexaad ee Ururka Dhalinta Rajada oo lagu qabtay Muqdisho iyadoo kusoo aaday wakhti….

Published on October 15, 2017 by   ·   No Comments

Munaasabad lagu xusayay sanad-guuradii 3aad eek a soo wareegatay maalinta la aas aasay Ururka Dhalinyarada Rajada Soomaaliiyeed (Jiilul Amal) ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Munaasabaddan ayaa waxaa ka soo qeyb galay qaar ka mid ah Xildhibaanada dhalinyarada ee ku jira Baarlamaanka Federaalka, Aqoonyahano iyo dhalinyaro, abwaano, fanaaniin iyo dad kale oo lagu casuumay.

Guddoomiyaha Ururka Dhalinta Rajada Soomaaliyeed Maxamed Barawaani oo ka hadlay munaasabadda ayaa ka warbixiyay sababihii keenay in la aas aaso ururkan iyo marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray, heerka uu maanta joogo iyo hiigsiga fog.

“Waxaan tababarnay in ka badan 4000 oo dhalinyaro soomaaliyeed ah, waxaan wacyigalinnay in kabadan 20,000, waxaan dhisnay oo aan faracyo ka furnnay 9 degmo, waxaan ka qeyb qaadanay gurmadkii abaaraha”ayuu yiri Guddoomiyaha.

Sidoo kale Xildhibaan Aadam Isaaq iyo Xildhibaan C/fataax Qaasim (Qaran Doon) ayaa u hambalyeeyay dhalinyaradan, kuna boggaadiyay howsha ay u hayaan dhalinyarada, iyagoo ugu baaqay in dhalinyarada xaflada ka soo qeyb gashay inay u diyaar garoobaan la wareegida hoggaanka dalka, maadaama ay yihiin mustaqbalka berry.

Waxaa Munaasabadda khudbado hambalyo iyo dhiira gelin ka jeediyay Macalimiin ka socotay Jaamacadaha iyo Ururada dhalinyarada, waxaana ay ku ammaaneen Ururka howsha uu soo qabtay.

Ururka Dhalinta Rajada Soomaaliyeed waa urur Dhalinyaro, Madax bannaan, Maxali ah oo u taagan wacyigalinta, waxbaridda, wanaag u horseedka iyo soo celinta rajadii dhalinyarada Soomaaliyeed, waxaana lagu aas’aasay Magaalada Muqdisho sanadkii 2014.

 

.

Nagala Soo Xiriir

xogta247@gmail.com

Readers Comments (0)







WARARKA MAANTA

XAASAASI Dhagayso: Maxay yihiin Siraha haayadaha shisheeye ee uu fashiliyay mahad salaad…?

December 15, 2017
Soomaaliya oo loo qorayo maleeshiyo beeleedyo iyo calooshood-ushaqeysteyaal (mercenaries) shirkado ajnabi ah wataan!   8dii bishaan waxaa qoray in Qaybtii ...

DAAWO MUUQAAL XIISO BADAN: RW Khayre oo Weerar afka ah ku qaaday Madaxwaynihii Hore ee Somalia Xasan sheekh Maxamuud…

December 15, 2017
Ra'iisul wasaaraha DFS Mudane  Xasan cali Khayre Ayaa wuxuu ka Hadlay dowladooda Waxay ugu timi dalka Markii Ay ...

DEG DEG VIDEO;- MUUSE BIIXI OO LAASCAANOOD LAGAGA KACAY, HANJABAAD, CULUS DAAWO

December 15, 2017
Odayaal iyo waxgarad kasoo jeeda Gobolka Sool oo kulan ku yeeshay magaalada Laascaanood ayaa Ka hadlay Dhibaatooyin kala ...

DAAWO: Dowlada Itoobiya oo ka hadashay Saamiga ay ku yeelanayso Dekada Ber-bera…

December 15, 2017
Wasiirka Dowlada Federalka ah ee Itoobiya u qaabilsan dhinaca gaadiidka mudane Axmed Shide ayaa wuxuu ka hadlay saamiga ...

Maxay uga dhigan tahay Dr. Cali Khaliif Xubnaha dagaalka kula Jiray ee Muuse Biixi Wasiirada ka dhigay (Warbixin+ Muuqaal)

December 15, 2017
Madaxwaynihii Khaatumo Dr. Cali Khaliif Galaydh ayaa dhowaan wuxuu heshiis la galay Madaxwaynihi Wakhtigiisu dhamaaday ee Somaliland Axmed ...
-->