Saturday, February 17th, 2018
.

Shirka wadahadalka ONLF iyo Itoobiya oo maalinkii labaad galay iyo Dowlad deegaanka oo kaalin muhiim ah ka noqday..

Published on February 12, 2018 by   ·   No Comments

Wadahalka u dhexeeya ururka ONLF iyo dowlada Itoobiya ayaa wuxuu galay maalinkii labaad iyadoo uu shirku yahay mid ay albaabadu u idhanyihiin ayaysan ilaa iyo haatan kasoo bixin wax warbixin ah iyadoo sidoo kale warbaahintu aysan goob joog ka ahayn si la xidhiidha xaasaasiyada uu leeyahay shirkani.

Wararka aan helnay ayaa waxay sheegayaan in ay labada dhinac qolo kastaa soo diyaarsatay qodobadii ay wateen iyadoo ay dib ka bilaaban doonto sidii qodobada midba markiisa looga doodi lahaa.

Shirkan oo socon doona maalinta bari ah oo noqon doonta maalinkii ugu danbeeyay ee kusoo afjarmi lahaa wadahadalka wajigan hada ah ayaa waxaa la filayaa in laga soo saaro warsaxaafadeed kaas oo si rasmi ah aanu idiinku soo gudbin doono haduu alle idmo.

Waxaa la filayaa in hadii la isku afgarto fhamaan qodobada lagu dhawaaqi dooni xabad joojin rasmi ah kadibna mar kale la isugu soo laaban doono sexeexa iyo dhamays tirka wixii kale ee hadhay.

Waxaa xusid mudan e madaxwaynaha dolwad deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo masuuliyiin kale oo ka socda dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ay kaalin fiican ku leeyihiin wadahadalka ka socda magaalada Nairobi.

Shirkan oo wali aysan rajadiisu xumayn ayaa waxaa la filayaa in ay kasoo baxaan qodobo is afgarad balse xogtashacabka24.com oo isku dayaysa in ay hesho xogta rasmiga ah ayaa ku howlan raadinta meesha ay marayaan wahadaladu sidaas darteed isha ku hay xogtashacabka24.com.

 

.

Nagala Soo Xiriir

xogta247@gmail.com

Readers Comments (0)







WARARKA MAANTA

MUUQAAL: Qaar kamid ah Soomaali ku xidhaynayd Dalka Liibiya oo Muqdisho Dawladdu keentay oo Farxad la Ooyey

February 17, 2018
Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho Waxaa maanta kasoo degey Dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku xidhnaa dalka Liibiya,  Kuwaasi oo Dalwadda ...

LAASCAANOOD: Dhacdo Naxadin iyo Murugo Badan oo ku dhacday Wiil Soo Qabsaday Xayawaanka Diinka (Video)

February 17, 2018
Wiil dhalinyaro ah oo ku noolaa magaalada Laascaanood ayaa soo Qabsaday   Xayawaanka Diinka , Kadib markii uu ku ...

Madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar oo jig-jiga ka dagay…

February 17, 2018
Madaxwaynaha Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya (DDSI) mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo waftigii uu hogaaminayay ayaa waxay dib ugusoo ...

XOG: Safaarada Turkiga ee Somalia oo Qorshe lama filaan ah ka wada Muqdisho…

February 17, 2018
Sida aan xogta ku helnay Safaarada Turkiga ee Somalia ayaa wada qorsho ay ku howlgalineyso qaar kamid ah ciidamadii ay dhawaan ...

DHAGAYSO: Qataro Lama filaan ah oo laga soo sheegayo Howlgalada ka dhaca Shabeelaha hoose….

February 17, 2018
DHAGAYSO: Qataro Lama filaan ah oo laga soo sheegayo Howlgalada ka dhaca Shabeelaha hoose…. Xilli Muddooyinkii ugu dambeeyay ciidamada ...

WAR DAG DAG AH: Dad Maxaabiis ah oo laga soo dajiyay Magaalada Muqdisho…

February 17, 2018
Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho ayaa goor dhow laga soo dajiyay Maxaabiis Somaliyeed oo dowladda Somaliya ay ku guulaysatay ...