Friday, January 19th, 2018
.

Tuugii Ugu Yaab Badnaa Oo xalay muqdisho lagu qabtay…

,
Published on January 13, 2018 by   ·   No Comments

Ciidamada ammaanka Degmada Kaaraan, ayaa xalay waxa ay gacanta ku dhigeen nin tuug ah oo hub farsameysan dadka ku dhici jiray, kadib hawlgal ay ka sameeyeen Degmadaasi.

Ciidanka ayaa soo qabtay ninkaan dhalinyarada ah oo watay qori laga sameeyay alwaax la isku kabay oo loo ekeysiiyay Qori Ak47, sida lagu soo bandhigay Sawir laga soo qaaday agabkii uu isticmaalayay ruuxaasi.Gudoomiyaha Degmada Kaaraan C/fataax Nuur Cali ayaa sheegay ninkan tuuga ah inuu dhibaato wayn ku haayay shacabka Degmada Kaaraan oo moobeelada uu ka dhici jiray.

Wuxuu sheegay dhawr mar dadka shacabka ah ay soo gaarsiiyeen cabasho ku aadan tuugaan dadka dhaco, balse ciidamada muddo ay raadinayeen ninkaas

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayuu sheegay Guddoomiyaha Degmada Kaaraan in ninkaan loo gudbin doono si tallaabo sharci ah looga qaado.

Ugu dambeyn ciidamada ammaanka Degmada Kaaraan ayaa u suuragashay inay soo qabtaan ninkaan tuuga ah ee dadka Degmadaasi dhibaatada ku haayay.

Magaalada Muqdisho ayaa xilliyada habeenkii ah waxaa jirta Burcad hubaysan oo dhac u gaysata dadka ku nool xaafada, kuwaasi oo ka dhaca moobeelada.

.

Readers Comments (0)



<




ARRIMAHA BULSHADA

Jabuuti oo marti galisay shirka Ciidanka heeganka ah ee Bariga Africa iyo Somalia oo ka baaqatay…

January 19, 2018
Magaalada Jabuuti oo ah caasimada dalka Jabuuti ayaa  waxaa lagu soo gaba-gabeeyya shirkii saddex iyo labaatanaad ee ururka ...

WAR DAG DAG AH: Diyaarad siday Maxaabiis laga keenay dalka India oo caawa kasoo degtay Muqdisho & RW Kheyre oo Garoonka uga hortagay…

January 19, 2018
Waxaa fiidkii hore ee caawa Garoonka Diyaaradaha caalamiga ah ee  Aadan Cadde ee ku yaala magaalada Muqdisho kasoo ...

DEG DEG VIDEO;- Maamulka Soomaaliland oo Ka Cabanaya Farmaajo, Kana Seexan Waayey Safarkiisa Muuqaal

January 19, 2018
Faysal cali Waraabe oo shir ku qabtay magaalada hargeisa ayaa ka hadlay xaalada maamulka somaliland oo u sheegay ...

Daawo Video::Falaqaynta Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaalada puntland Iyo Somaliland Dhulbahante dhiigu Ku kacay (MUUQAAL)

January 19, 2018
HALKAN KADAAWO MUQAALKA IYO FAAH FAAHINTA 

DEG DEG: Muuse Biixi iyo iyo ciidankii ugu badnaa oo kusoo wajahan Tukaraq iyo ciidamadii Puntland oo lagusoo waramayo in ay…

January 19, 2018
Madaxwaynaha Somaliland ayaa waxaa lagu wadaa inuu socdaal ku yimaado magaalada laascaanood iyo tukoraq halkaasi oo ay ka ...