Saturday, February 17th, 2018
.

WAR DAG DAG AH: Diyaarad siday Maxaabiis laga keenay dalka India oo caawa kasoo degtay Muqdisho & RW Kheyre oo Garoonka uga hortagay…

Published on January 19, 2018 by   ·   No Comments

Waxaa fiidkii hore ee caawa Garoonka Diyaaradaha caalamiga ah ee  Aadan Cadde ee ku yaala magaalada Muqdisho kasoo dagtay Diyaarad siday Maxaabiis Soomaali ah oo laga keenay wadanka India.

Maxaabiistan oo tirro ahaan la sheegay inay gaadhayaan 41 Maxaabiis ayaa waxaa imaanshiyahooda Muqdisho ku wehlinaayay Mas’uuliyiin ka tirsan dowlada Soomaaliya oo iyagu ka doonay dalka India.

Mas’uuliyiinta Maxaabiistan kala yimid dalka India ayaa waxaa kamid ahaa Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir   Safiirada Soomaaliya ee dalka Hindiya iyo xubno kale.

Waxaa maxaabiistaan kusoo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde Ra’isul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Somalia Xasan Cali Khayre, Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Baarlamaanka Golaha Shacabka JFS Mahad Cabdalla Cawad, Wasiirka Amniga, Wasiirka Cadaaladda  Wasiirka Caafimaadka  Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda  Xildhibaano iyo masuuliyiin kale.

Maxaabiistan oo kala danbiyo ah ayaa isugu jira dhalinyaro iyo kuwo da’ ah, waxaana isla Garoonka kula wareegay Guddi uu u xilsaaray Ra’isul wasaare Kheyre oo ay ku jiraan Xubno ka tirsan Wasaarada Caafimaadka.

Maxaabiista ayaa waxaa ka muuqday diif waxaana xusid mudan in goortii laga soo dajiyay Garoonka Aadan Cadde ay halkaa ku ilmeeyeen.

Dhinaca kale, Maxaabiista haatan dalka la keenay ayaa horay racfaan u qaatay oo ah in laga qafiifiyo waqtiga  balse waxaa diiday Maxakamad ku taalla dalkaasi   oo go’aamisay in xukunkoodi ay dhamaystaan.

Ma aha markii ugu horaysay ee ay dowlada Farmaajo iyo Khayre Soo daayaan dad maxaabiis ah oo ku xidhnaa dalka Dibadiisa waxaana horay loo soo daayay dad Somali ah oo ku xidhnaa dalka Itoobiya kadib is afgarad dhex maray labada dowladood sanadkii la soo dhaafay.

 

.

Nagala Soo Xiriir

xogta247@gmail.com

Readers Comments (0)







WARARKA MAANTA

MUUQAAL: Qaar kamid ah Soomaali ku xidhaynayd Dalka Liibiya oo Muqdisho Dawladdu keentay oo Farxad la Ooyey

February 17, 2018
Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho Waxaa maanta kasoo degey Dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku xidhnaa dalka Liibiya,  Kuwaasi oo Dalwadda ...

LAASCAANOOD: Dhacdo Naxadin iyo Murugo Badan oo ku dhacday Wiil Soo Qabsaday Xayawaanka Diinka (Video)

February 17, 2018
Wiil dhalinyaro ah oo ku noolaa magaalada Laascaanood ayaa soo Qabsaday   Xayawaanka Diinka , Kadib markii uu ku ...

Madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar oo jig-jiga ka dagay…

February 17, 2018
Madaxwaynaha Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya (DDSI) mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo waftigii uu hogaaminayay ayaa waxay dib ugusoo ...

XOG: Safaarada Turkiga ee Somalia oo Qorshe lama filaan ah ka wada Muqdisho…

February 17, 2018
Sida aan xogta ku helnay Safaarada Turkiga ee Somalia ayaa wada qorsho ay ku howlgalineyso qaar kamid ah ciidamadii ay dhawaan ...

DHAGAYSO: Qataro Lama filaan ah oo laga soo sheegayo Howlgalada ka dhaca Shabeelaha hoose….

February 17, 2018
DHAGAYSO: Qataro Lama filaan ah oo laga soo sheegayo Howlgalada ka dhaca Shabeelaha hoose…. Xilli Muddooyinkii ugu dambeeyay ciidamada ...

WAR DAG DAG AH: Dad Maxaabiis ah oo laga soo dajiyay Magaalada Muqdisho…

February 17, 2018
Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho ayaa goor dhow laga soo dajiyay Maxaabiis Somaliyeed oo dowladda Somaliya ay ku guulaysatay ...