Friday, January 19th, 2018
.

XAASAASI: Madaxwayne Farmaajo “Dowladu hal sano kaliya waxkasta kuma qaban karto wakhti ayaa loo baahanyahay”…(Akhriso)

,
Published on January 13, 2018 by   ·   No Comments

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya  Maxamed Cabdullaahi (Farmaajo)  ayaa markii ugu horaysay si caro leh kaga hadlay khilaafka ku soo noq noqday dowladda  ee lagu carqaladaynayo waxqabadkeeda.

Madaxwaynaha Soomaaliya  ayaa hoosta ka xariiqay in is qabqabsiga uu yahay waxa Soomaaliya ka reebay dowladaha jaalkeeda ah, isagoona soo hadalqaaday in dowlad loo doorto mudada la doortay inay wax ku qabato  balse uu dhaqanka Somalidu noqday in dowladdii la doortaba aanu waqtigeedu dhaafin hal sano.

 

“Is qabqabsiga  khilaafka iyo dhibaatada inay tahay waxa dib noo dhigay ee naga reebay dowladaha caalamka.

 

Dowlad waala doortaa  madaxna waala doortaa waqti ayayna leeyihiin oo waajibaadkooda ay ku gutaan, laakiin anagu dhaqankan leenahay waxay tahay in dowladdii timaadaba aysan dhaafin sanad.” Ayuu yidhi Madaxwaynaha Soomaaliya.

Madaxwaynaha  ayaa yidhi “Dowlad waxaan ka wadaa xukuumadda oo lagu mashquuliyo ama lagu mashquulo lix bilood oo dowlad la saaro iyo lix bilood oo dowlad la rido, macnaheedu waxay tahay haddii mar khilaaf uu dowladda dhexdeeda ka yimaado inaanan waxba la qaban, inaan umadda loo adeegin.”

Madaxwayne (Farmaajo)  ayaa xusay haddii aanay dowladdu horumar la imaanin inay ka faa’iidaysan karaan cadowga dalka iyo dadkuba oo uu kala jeedo Ururka Al -Shabaab.

“Waxqabadna hadduusan imaanin waxaa ka faa’iidaysanaya qolada cadowga nala ah  oo aan ognahay inaanay waxba u aabo yeelaynin ee Shabaabka la yidhaahdo.” Ayuu yiri Maxamed Cabdullaahi (Farmaajo) Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliya.

Madaxwayne (Farmaajo) ayaa hadalkan ka sheegay xaflad lagu sagootinayay oo xalay lagu qabtay Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Si kastaba ha ahaatee hadal ayaa u muuqda mid uu madaxwayne Farmaajo shacabka soomaaliyeed ku dareensiinayo in aysan suurto gal ahayn in ilmuhu markuu dhasho isla markaasba uu socdo ama noqdo hana qaad waxtar leh balse uu u baahanyahay wakhti uu ku koro kuna hana qaado oo waxtar uu ku noqdo sidaasi si lamid ahna ay dowladiisu u baahantahay wakhgti ay ku hana qaado oo aan halsano waxkasta lagu qaban Karin dal 30 sano ku dhowaad bur-bursanaana aan lagu dhisi Karin.

 

.

Readers Comments (0)



<




ARRIMAHA BULSHADA

Jabuuti oo marti galisay shirka Ciidanka heeganka ah ee Bariga Africa iyo Somalia oo ka baaqatay…

January 19, 2018
Magaalada Jabuuti oo ah caasimada dalka Jabuuti ayaa  waxaa lagu soo gaba-gabeeyya shirkii saddex iyo labaatanaad ee ururka ...

WAR DAG DAG AH: Diyaarad siday Maxaabiis laga keenay dalka India oo caawa kasoo degtay Muqdisho & RW Kheyre oo Garoonka uga hortagay…

January 19, 2018
Waxaa fiidkii hore ee caawa Garoonka Diyaaradaha caalamiga ah ee  Aadan Cadde ee ku yaala magaalada Muqdisho kasoo ...

DEG DEG VIDEO;- Maamulka Soomaaliland oo Ka Cabanaya Farmaajo, Kana Seexan Waayey Safarkiisa Muuqaal

January 19, 2018
Faysal cali Waraabe oo shir ku qabtay magaalada hargeisa ayaa ka hadlay xaalada maamulka somaliland oo u sheegay ...

Daawo Video::Falaqaynta Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaalada puntland Iyo Somaliland Dhulbahante dhiigu Ku kacay (MUUQAAL)

January 19, 2018
HALKAN KADAAWO MUQAALKA IYO FAAH FAAHINTA 

DEG DEG: Muuse Biixi iyo iyo ciidankii ugu badnaa oo kusoo wajahan Tukaraq iyo ciidamadii Puntland oo lagusoo waramayo in ay…

January 19, 2018
Madaxwaynaha Somaliland ayaa waxaa lagu wadaa inuu socdaal ku yimaado magaalada laascaanood iyo tukoraq halkaasi oo ay ka ...